An-Nisaa 4:29
النساءيَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تَأْكُلُوٓا۟ أَمْوَٰلَكُم بَيْنَكُم بِٱلْبَـٰطِلِ إِلَّآ أَن تَكُونَ تِجَـٰرَةً عَن تَرَاضٍ مِّنكُمْ ۚ وَلَا تَقْتُلُوٓا۟ أَنفُسَكُمْ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيمًا
29. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ku kala cunina maalkiinna dhexdiinna xaq darro, inay tahay ganacsi (bannaan) aad raalli isaga tihiin mooyee. Hana dilina nafahiinna [24] (hana is dilina). Hubaal, Alle wuu idiin Naxariis Badan yahay.
[24]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Nin baa waxaa soo gaaray dhaawac, markaasuu is dilay. Markaasuu Alle kor ahaaye wuxuu yiri: Addoonkeyga wuxuu u sababay naftiisa geeri degdeg ah uu gacantiisa ku doontay, waa ka xaaraan jannada. W.w. Al-Bukhaari.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net