An-Nisaa 4:159
النساءوَإِن مِّنْ أَهْلِ ٱلْكِتَـٰبِ إِلَّا لَيُؤْمِنَنَّ بِهِۦ قَبْلَ مَوْتِهِۦ ۖ وَيَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ يَكُونُ عَلَيْهِمْ شَهِيدًا
159. Ma jiro mid ka mid ah ehlul- Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) aan rumeyn doonin isaga (Nabi Ciise inuu yahay addoon Alle iyo Rasuulkiisa, iyo inaan la dilin lana daldalin) ka hor inta aanu dhiman [58]. Maalinta Qiyaamahana wuxuu ku marag furi lidkood iyaga.
[58]. Yuhuudi iyo Nasraani kasta ka hor dhimashadiisa (Ciise) waxay aamini inuu Ciise yahay Rasuul Alle, iyo inuusan ahayn wiilkii Alle siday lahaayeen. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Mid walba oo ka mid ah Yuhuudda iyo Nasaarada wuxuu aamini sidaa ka hor dhimashadiisa (waqtiga geeridiisa).
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net