U bood nuxurka
Suuradda 4 · Aayadda 157

An-Nisaa 4:157

النساء

وَقَوْلِهِمْ إِنَّا قَتَلْنَا ٱلْمَسِيحَ عِيسَى ٱبْنَ مَرْيَمَ رَسُولَ ٱللَّهِ وَمَا قَتَلُوهُ وَمَا صَلَبُوهُ وَلَـٰكِن شُبِّهَ لَهُمْ ۚ وَإِنَّ ٱلَّذِينَ ٱخْتَلَفُوا۟ فِيهِ لَفِى شَكٍّ مِّنْهُ ۚ مَا لَهُم بِهِۦ مِنْ عِلْمٍ إِلَّا ٱتِّبَاعَ ٱلظَّنِّ ۚ وَمَا قَتَلُوهُ يَقِينًۢا

Macne

157. Iyo odhaahdooda: Waxaan dilnay Masiixa Ciise ina Maryam, Rasuulkii Alle [56], _mase ay dilin [57] mana ay daldalin, waase loo arag ekeysiiyey. Oo kuwa isku khilaafa arrinkiisa waxaa kaga jira shaki. Uma heystaan wax cilmi (la hubo oo run ah), waxay raacaan wax kale maahee waa male awaal. Mana ay dilin oo la hubo.

[56]. Waxay u yidhaahdeen Ciise Rasuulkii Alle jeesjees ahaan, waayo ma rumeysneen Risaaladii Ciise c.s.
[57]. Aayaddan waxay burineysaa sheegashada Yuhuudda inay dileen Ciise c.s.: Alle wuxuu leeyahay ma ay dilin iyagoo huba inuu shakhsi ahaan isaga yahay, taasi macnaheedu waxaa weeye waxay dileen qof kale iyagoo moodayay Ciise c.s.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

An-Nisaa

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net