U bood nuxurka
Suuradda 4 · Aayadda 153

An-Nisaa 4:153

النساء

يَسْـَٔلُكَ أَهْلُ ٱلْكِتَـٰبِ أَن تُنَزِّلَ عَلَيْهِمْ كِتَـٰبًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ ۚ فَقَدْ سَأَلُوا۟ مُوسَىٰٓ أَكْبَرَ مِن ذَٰلِكَ فَقَالُوٓا۟ أَرِنَا ٱللَّهَ جَهْرَةً فَأَخَذَتْهُمُ ٱلصَّـٰعِقَةُ بِظُلْمِهِمْ ۚ ثُمَّ ٱتَّخَذُوا۟ ٱلْعِجْلَ مِنۢ بَعْدِ مَا جَآءَتْهُمُ ٱلْبَيِّنَـٰتُ فَعَفَوْنَا عَن ذَٰلِكَ ۚ وَءَاتَيْنَا مُوسَىٰ سُلْطَـٰنًا مُّبِينًا

Macne

153. Ehlul Kitaabka (Yuhuudda) waxay ku weydiin inaad kaga soo dejiso Kitaab xagga samada. Waxayba horay kaga dalbeen Muuse arrinkaas mid ka weyn, oo yidhaahdeen: Noo tus Alle si caddaan ah, markaasaa waxaa qabtay onkod daran iyo biriq dulmigoodii dartiis. Haddana waxay samaysteen dibi (ilaah ahaan) kaddib markay xujooyin cad u yimaadeen waanu se ka cafinnay arrinkaa (markay ka tawbad keeneen). Waxaanuna siinnay Muuse Xujo Cad.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

An-Nisaa

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net