Az-Zumar 39:8
الزمروَإِذَا مَسَّ ٱلْإِنسَـٰنَ ضُرٌّ دَعَا رَبَّهُۥ مُنِيبًا إِلَيْهِ ثُمَّ إِذَا خَوَّلَهُۥ نِعْمَةً مِّنْهُ نَسِىَ مَا كَانَ يَدْعُوٓا۟ إِلَيْهِ مِن قَبْلُ وَجَعَلَ لِلَّهِ أَندَادًا لِّيُضِلَّ عَن سَبِيلِهِۦ ۚ قُلْ تَمَتَّعْ بِكُفْرِكَ قَلِيلًا ۖ إِنَّكَ مِنْ أَصْحَـٰبِ ٱلنَّارِ
8. Markay dhibi taabato aadmiga wuxuu baryaa Rabbigiis (Alle Keliya) isagoo badiya u noqodka Xaggiisa (tawbad keen ah), markase uu siiyo nicmo Xaggiisa ah, waa halmaamaa wuxuu ka baryey kal hore, wuxuuna u yeelaa shariigyo, si uu (u lumo oo aadmigana) uga lumiyo Jidkiisa. Dheh: Ku raaxeyso gaalnimadaada wax yar [3], waxaad xaqiiq ka mid tahay ehlu Naarka.
[3]. Arrinkan waa ogeysiin cadhada uu Alle u qabo mushrikiinta inkiraaddooda baaqa Towxiidka darti, waa gooddin adag.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net