U bood nuxurka
Suuradda 39 · Aayadda 6

Az-Zumar 39:6

الزمر

خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَٰحِدَةٍ ثُمَّ جَعَلَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَأَنزَلَ لَكُم مِّنَ ٱلْأَنْعَـٰمِ ثَمَـٰنِيَةَ أَزْوَٰجٍ ۚ يَخْلُقُكُمْ فِى بُطُونِ أُمَّهَـٰتِكُمْ خَلْقًا مِّنۢ بَعْدِ خَلْقٍ فِى ظُلُمَـٰتٍ ثَلَـٰثٍ ۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمْ لَهُ ٱلْمُلْكُ ۖ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ فَأَنَّىٰ تُصْرَفُونَ

Macne

6. Wuxuu idinka abuuray naf keliya (Aadam) kaddib ka yeelay (abuuray) lammaankiisa (Xawwaa) xaggeeda. Wuxuuna idiin soo dejiyey xoolaha siddeed nooc. Wuxuu idinku abuuraa uurarka hooyooyinkiin abuuris ka dambeysa abuuris saddex mugdi [2] dhexdood, kaas waa Allaah - Rabbigiin. Isagaa leh Boqortooyada (runta ah). Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Ee xagee baa la idiinka iilay?

[2]. Seddexdaa mugdi waa mugdiga caloosha, mugdiga riximka, iyo mugdiga xuubka ku dahaaran riximka.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Az-Zumar

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net