U bood nuxurka
Suuradda 39 · Aayadda 23

Az-Zumar 39:23

الزمر

ٱللَّهُ نَزَّلَ أَحْسَنَ ٱلْحَدِيثِ كِتَـٰبًا مُّتَشَـٰبِهًا مَّثَانِىَ تَقْشَعِرُّ مِنْهُ جُلُودُ ٱلَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُمْ ثُمَّ تَلِينُ جُلُودُهُمْ وَقُلُوبُهُمْ إِلَىٰ ذِكْرِ ٱللَّهِ ۚ ذَٰلِكَ هُدَى ٱللَّهِ يَهْدِى بِهِۦ مَن يَشَآءُ ۚ وَمَن يُضْلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنْ هَادٍ

Macne

23. Alle wuxuu soo dejiyey hadal kan u fiican, Kitaab qaybahiisu isu eg yihiin oo soo noqnoqda [6], ay la jiriiricoodaan dubabka kuwa ka baqa Rabbigood. markaasay dubabkooda iyo qalbiyadoodu u jilcaan Xuska Alle (Qur'aanka iyo Sunnada Rasuulkiisa). Kaasi waa hanuunka Alle. Wuxuu ku hanuuniyaa cidduu doono, qofkuu Alle lumiyaana ma leh cid hanuunin.

[6]. Axkaanta, cilmiga, qisooyinka, iwm waa lagu soo celceliyaa Qur’aanka gudahi si loogu cibrad iyo waano qaato oo dadka u saameyso.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Az-Zumar

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net