Az-Zumar 39:18
الزمرٱلَّذِينَ يَسْتَمِعُونَ ٱلْقَوْلَ فَيَتَّبِعُونَ أَحْسَنَهُۥٓ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ هَدَىٰهُمُ ٱللَّهُ ۖ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمْ أُو۟لُوا۟ ٱلْأَلْبَـٰبِ
18. Kuwa dhegaysta hadalka waanada ah oo raaca kiisa u fiican [5], kuwaa weeye (kuwa) uu Alle hanuunshay, waana kuwaa kuwa wax garadka ah.
[5]. Waa kuwa markay maqlaan samaan iyo xumaan, ka warrama samaanta , kana taga hadalka kiisa xun oo aan ka sheekeynin. Hadal la raacana waxaa u wanaagsan hadalka Alle oo ah Qur’aanka iyo kan Rasuulkiisa (Sunnada Nabiga scw).
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net