As-Saaffaat 37:102
الصافاتفَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ ٱلسَّعْىَ قَالَ يَـٰبُنَىَّ إِنِّىٓ أَرَىٰ فِى ٱلْمَنَامِ أَنِّىٓ أَذْبَحُكَ فَٱنظُرْ مَاذَا تَرَىٰ ۚ قَالَ يَـٰٓأَبَتِ ٱفْعَلْ مَا تُؤْمَرُ ۖ سَتَجِدُنِىٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلصَّـٰبِرِينَ
102.Markuu gaaray da' inuu la shaqeeyo oo hanaqaaday [10], (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Maandhow! Waxaan ku arkay riyo anigoo kuu gawracaya (qurbaan ahaan Alle darti), ee bal eegoo maxay kula tahay. (Ismaaciil) wuxuu yidhi: Aabbow! Fal waxa lagu amray, hadduu Alle idmo, waxaad heli inaan ka mid noqdo kuwa samir yeesha.
[10]. Ismaaciil awood u yeeshay inuu la shaqeeyo oo kaalmeeyo aabbihi Ibraahiim.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net