Yaseen 36:26
يسقِيلَ ٱدْخُلِ ٱلْجَنَّةَ ۖ قَالَ يَـٰلَيْتَ قَوْمِى يَعْلَمُونَ
26. Waxaa la yidhi: Gal jannada. Wuxuu yidhi: Alla dadkaygu may ogaadaan [5].
[5]. Ninkaa waxaa la odhan jirey Xabiib oo ahaa geed qore, sidaas darteed baa waxaa loo yiqiin Xabiib Al-Najjaar. Inta aysan nafta ka bixin waxaa soo degay malaa’ig ugu bishaaraysay in loo dhaafay dhammaan dunuubtiisa oo uu geli doono Jannada. Magaaladaas waxay ahayd Antaakiya.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net