Faatir 35:18
فاطروَلَا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ ۚ وَإِن تَدْعُ مُثْقَلَةٌ إِلَىٰ حِمْلِهَا لَا يُحْمَلْ مِنْهُ شَىْءٌ وَلَوْ كَانَ ذَا قُرْبَىٰٓ ۗ إِنَّمَا تُنذِرُ ٱلَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُم بِٱلْغَيْبِ وَأَقَامُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ ۚ وَمَن تَزَكَّىٰ فَإِنَّمَا يَتَزَكَّىٰ لِنَفْسِهِۦ ۚ وَإِلَى ٱللَّهِ ٱلْمَصِيرُ
18. Nafna naf kale denbigeed ma qaaddo; haddii naf culaabeysan u yeedhato (mid kale inuu qaado) culayskeeda, waxba kama qaado, qaraaboba ha ahaadeene. Waxaad uun u digi kuwa ka baqa Rabbigood sir 'iyo saaqba' [2], oo ooga salaadda. Qofkii is daahiriya [3], naftiisu uun buu isu daahiriyey, waana Xagga Alle meesha loo socdaa (geeri dabadeed).
[2]. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Ghaybka –maqnaanta- halkan waxaa loola jeedaa marka uu qofku keli yahay aan la arkayn.
[3]. Nabi Muxammad s.c.w. ma hanuunin karo mushrikiinta quluubtooda ka xidhan yahay iimaanka aan iyagu dooneyn hanuunka oo dan ka lahayn.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net