Saba 34:23
سبإوَلَا تَنفَعُ ٱلشَّفَـٰعَةُ عِندَهُۥٓ إِلَّا لِمَنْ أَذِنَ لَهُۥ ۚ حَتَّىٰٓ إِذَا فُزِّعَ عَن قُلُوبِهِمْ قَالُوا۟ مَاذَا قَالَ رَبُّكُمْ ۖ قَالُوا۟ ٱلْحَقَّ ۖ وَهُوَ ٱلْعَلِىُّ ٱلْكَبِيرُ
23. Ma anfacdo shafeeco (Alle) Agtiisa, mid uu u idmo ma’ahee [15]. (Kuwaasna way sugaan) ilaa, marka laga faydo cabsida quluubtooda [16]: waxay odhan: Waa Maxay waxaa uu yidhi Rabbigiin? waxay odhan: Xaq. Waana Sarreeyaha, Weyn.
[15]. Aayaddani waxay muujineysaa inaysan cidna u shafeeci karin cid kale inuu Alle idmo maahee oo ka raalli yahay in loo shafeeco qofkaa, waana inay kan shafeecaya iyo kan loo shafeecayo ay ka baqaan Allaah oo rajeeyaan oo yihiin dad heystay towxiidka iyo sunnada.
[16]. Waa quluubta malaa’igta ee loo oggolaan doono inay shafeecaan.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net