Saba 34:18
سبإوَجَعَلْنَا بَيْنَهُمْ وَبَيْنَ ٱلْقُرَى ٱلَّتِى بَـٰرَكْنَا فِيهَا قُرًى ظَـٰهِرَةً وَقَدَّرْنَا فِيهَا ٱلسَّيْرَ ۖ سِيرُوا۟ فِيهَا لَيَالِىَ وَأَيَّامًا ءَامِنِينَ
18. Waxaana yeellay dhexdooda Iyaga iyo magaalooyinkii aan barakaynnay magaalooyin (kale) ee muuqda [8], waxaana qaddarnay socodkooda halkaa [9], (Annagoo ku nidhi): Ku socdaala habeenno iyo maalmoba idinkoo nabad ah".
[8]. Dhulka Shaam ee barakada badan, iyo dhulalka ku hareersan waxaa loola jeedaa Yaman iyo Shaam (Suuriya, Lubnaan, Urdun, Falastiin), waxay dadku ku socdaalayeen si nabad ah maalin iyo habeenba dhib iyo shiddo la’aan iyagoon cidna joojineyn.
[9]. Waxaan u yeelnay degaannada xiga masaafooyin la yaqaan si loogu sahlo musaafiriinta.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net