Saba 34:14
سبإفَلَمَّا قَضَيْنَا عَلَيْهِ ٱلْمَوْتَ مَا دَلَّهُمْ عَلَىٰ مَوْتِهِۦٓ إِلَّا دَآبَّةُ ٱلْأَرْضِ تَأْكُلُ مِنسَأَتَهُۥ ۖ فَلَمَّا خَرَّ تَبَيَّنَتِ ٱلْجِنُّ أَن لَّوْ كَانُوا۟ يَعْلَمُونَ ٱلْغَيْبَ مَا لَبِثُوا۟ فِى ٱلْعَذَابِ ٱلْمُهِينِ
14. Markaan u qaddarnay dhimashada (Sulaymaan), ma jirin wax tusiyey dhimashadiisa aan ahayn aboorka cunay ushiisa [5]. Markuu dhacay, waxaa u caddaaday jinka in hadday og yihiin Ghaybka (waxa aan muuqan ee qarsoon) aanay ku negaadeen dhibka 'shaqadaa' [6].
[5]. Ushaashoo uu ku tiirsanaa waqtiga dhimashadiisa. Dhuur caso baa cuneysey usha ilaa ay dhacday sababta culeyskiisii oo ka tan batay awgeed.
[6]. Waa shaqo adag. Aayaddani waxay daliil u tahay in jinku ayan wax ka ogeyn cilmi Ghaybka (waxa aan muuqan ee qarsoon) kaasoo uu Ogsoon yahay Alle Keliya.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net