U bood nuxurka
Suuradda 34 · Aayadda 12

Saba 34:12

سبإ

وَلِسُلَيْمَـٰنَ ٱلرِّيحَ غُدُوُّهَا شَهْرٌ وَرَوَاحُهَا شَهْرٌ ۖ وَأَسَلْنَا لَهُۥ عَيْنَ ٱلْقِطْرِ ۖ وَمِنَ ٱلْجِنِّ مَن يَعْمَلُ بَيْنَ يَدَيْهِ بِإِذْنِ رَبِّهِۦ ۖ وَمَن يَزِغْ مِنْهُمْ عَنْ أَمْرِنَا نُذِقْهُ مِنْ عَذَابِ ٱلسَّعِيرِ

Macne

12. Sulaymaan (waxaan u sakhirnay) dabeysha [2], in bil loo socdo ku maraysay aroornimada (ilaa duhurka), in bil loo socdona ku maraysay (duhurka ilaa) galabnimada, Waxaana u dareerinnay il nuxaas (maar) ah. Waxaana ka mid ahaa jinka kuwo u shaqeynayey idanka Rabbigi, mid kastoona ka mid ah oo ka leexday Amarkayaga (aan ku amarnay inay adeecaan Sulaymaan ah) Waxaanu dhadhansiin cadaabka gubashada.

[2]. Wuxuu Sulaymaan ku marayey safar subaxa ilaa duhurka masaafo dhan intay geelu u socdaan bil, sidoo kale wuxuu ku marayey duhurka ilaa gabbal dhaca masaafo le’eg inta geela u socdaan muddo bil ah.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Saba

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net