Al-Ahzaab 33:9
الأحزابيَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱذْكُرُوا۟ نِعْمَةَ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ جَآءَتْكُمْ جُنُودٌ فَأَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ رِيحًا وَجُنُودًا لَّمْ تَرَوْهَا ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرًا
9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Xusuusta Nicmadda Alle idiin galay markay idiin yimaadeen ciidammo [7], markaasaan ku dirnay dabeyl daran iyo ciidammo aydaan arag. Alle waxaad fashaan wuu Arkaa.
[7]. Aayaddan waxay ka hadleysaa qisada axzaabtii, waana kooxo lagu jabiyey dagaalkii Godka, waayo waxay ka hor yimaadeen Alle iyo Rasuulkiisa. Waxaana loola jeedaa ciidammo aydan arkin malaa’igta, wuxuu Allaah u soo diray inay halaagaan cadowyadiisa.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net