Al-Ahzaab 33:6
الأحزابٱلنَّبِىُّ أَوْلَىٰ بِٱلْمُؤْمِنِينَ مِنْ أَنفُسِهِمْ ۖ وَأَزْوَٰجُهُۥٓ أُمَّهَـٰتُهُمْ ۗ وَأُو۟لُوا۟ ٱلْأَرْحَامِ بَعْضُهُمْ أَوْلَىٰ بِبَعْضٍ فِى كِتَـٰبِ ٱللَّهِ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُهَـٰجِرِينَ إِلَّآ أَن تَفْعَلُوٓا۟ إِلَىٰٓ أَوْلِيَآئِكُم مَّعْرُوفًا ۚ كَانَ ذَٰلِكَ فِى ٱلْكِتَـٰبِ مَسْطُورًا
6.Nabiga isagaa uga xaq leh mu’miniinta nafahooda [4], xaasaskiisuna waa hooyooyinkood (oo kale). Qaraabaduna iyagaa qaarkood qaarka kale kaga mudan oo xaq leh (dhaxalka) Kitaabka Alle xagga mu’miniinta (kale) iyo (xagga) muhaajiriinta, in maahee aad u fashaan wanaag saaxiibbadiin, kaasi wuxuu ku qoran yahay Kitaabka [5].
[4]. Nabiga s.c.w. baa sii mudan in la maqlo oo daacad loo ahaado. Mu’miniinta dhabta ahna waxay jecel yihiin Nabiga s.c.w. wax ka badan nafahooda arrin kasta oo la soo gudboonaada.
[5]. Waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka. Waxaa halkan loola jeedaa siismada cidaan waraso ahayn in loo dardaarmo wax aan ka badneyn seddex meeloodoo meel dhaxalka laga tagey.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net