U bood nuxurka
Suuradda 33 · Aayadda 55

Al-Ahzaab 33:55

الأحزاب

لَّا جُنَاحَ عَلَيْهِنَّ فِىٓ ءَابَآئِهِنَّ وَلَآ أَبْنَآئِهِنَّ وَلَآ إِخْوَٰنِهِنَّ وَلَآ أَبْنَآءِ إِخْوَٰنِهِنَّ وَلَآ أَبْنَآءِ أَخَوَٰتِهِنَّ وَلَا نِسَآئِهِنَّ وَلَا مَا مَلَكَتْ أَيْمَـٰنُهُنَّ ۗ وَٱتَّقِينَ ٱللَّهَ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ شَهِيدًا

Macne

55. Wax denbi ah kama soo gaadhayo (haweenka inaysan ka xijaaban) aabbayaashood [35] ama wiilashooda, ama walaalahood, ama wiilasha walaaahood, ama wiilasha walaalooyinkood, ama haweenkooda, iyo waxay gacantoodu midig hanato. Alle ka cabsada. Hubaal Alle waa Mid wax waliba u jeeda oo arka.

[35]. Way u bannaan tahay haweeni inay uga hor muuqato kuwaasi aan gayin abadkood iyadoo aan xirneyn xijaab kaamil ah, iyo inay la keliyowdo. Labada waalid walaalahood (adeerradda iyo abtiyada) waxay soo galayaan aabbayaasha.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Ahzaab

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net