U bood nuxurka
Suuradda 33 · Aayadda 53

Al-Ahzaab 33:53

الأحزاب

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تَدْخُلُوا۟ بُيُوتَ ٱلنَّبِىِّ إِلَّآ أَن يُؤْذَنَ لَكُمْ إِلَىٰ طَعَامٍ غَيْرَ نَـٰظِرِينَ إِنَىٰهُ وَلَـٰكِنْ إِذَا دُعِيتُمْ فَٱدْخُلُوا۟ فَإِذَا طَعِمْتُمْ فَٱنتَشِرُوا۟ وَلَا مُسْتَـْٔنِسِينَ لِحَدِيثٍ ۚ إِنَّ ذَٰلِكُمْ كَانَ يُؤْذِى ٱلنَّبِىَّ فَيَسْتَحْىِۦ مِنكُمْ ۖ وَٱللَّهُ لَا يَسْتَحْىِۦ مِنَ ٱلْحَقِّ ۚ وَإِذَا سَأَلْتُمُوهُنَّ مَتَـٰعًا فَسْـَٔلُوهُنَّ مِن وَرَآءِ حِجَابٍ ۚ ذَٰلِكُمْ أَطْهَرُ لِقُلُوبِكُمْ وَقُلُوبِهِنَّ ۚ وَمَا كَانَ لَكُمْ أَن تُؤْذُوا۟ رَسُولَ ٱللَّهِ وَلَآ أَن تَنكِحُوٓا۟ أَزْوَٰجَهُۥ مِنۢ بَعْدِهِۦٓ أَبَدًا ۚ إِنَّ ذَٰلِكُمْ كَانَ عِندَ ٱللَّهِ عَظِيمًا

Macne

53. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha gelina guryaha Nabiga in cunno la idiinku yeedho mooyee idinkoon sugeyn bislaadkeeda [34]. markase la idiin yeedho gala, markaad cuntaanna raashinka kala taga idinkoon sugeyn sheeko. Hubaal (arrin) kani waxay dhibi Nabiga, wuuse idinka xishoon (inuu idin bixiyo), Alle se kama xishoodo xaqa. Markaad weydiisanaysaan (haweenka Nabiga) wax uun alaab ah ka weydiiya daah gadaashi, (arrin)kani baa u daahirnimo badan (u fiican) quluubtiinna iyo quluubtoodaba. Xaqna uma lihidin inaad dhibtaan Rasuulka Alle iyo inaad guursataanba xaasaskiisa gadaashi marnaba. Hubaal (arrin)kani Alle xaggi waa wax Daran oo denbi weyn ah.

[34]. Aayaddan waxay reebtay inay saxaabada soo galaan guriga Nabiga s.c.w. iyagoo sugaya intay cuntada ka bislaato oo la kariyo.
Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Haddii laygu yeedho casumaad ah cudud waan ajiibayaa, haddiina la ii hadiyeeyo kolay ku tahay majin waan aqbalayaa, markaad se ka faaruqdaan wixii laydiinku yeedhay ka dul qaada qoyska guriga culeyska oo kala aada guryihiinna.”

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Ahzaab

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net