Al-Ahzaab 33:32
الأحزابيَـٰنِسَآءَ ٱلنَّبِىِّ لَسْتُنَّ كَأَحَدٍ مِّنَ ٱلنِّسَآءِ ۚ إِنِ ٱتَّقَيْتُنَّ فَلَا تَخْضَعْنَ بِٱلْقَوْلِ فَيَطْمَعَ ٱلَّذِى فِى قَلْبِهِۦ مَرَضٌ وَقُلْنَ قَوْلًا مَّعْرُوفًا
32. Xaasaska Nabigow! La mid ma tihin haweenka kale oo dhan, ee haddaad Alle ka cabsataan, ha ahaannina kuwo dabacsan oo nugul xagga hadal'kiinna' [22], si uusan kan qalbiga ka buka damac u gelin [23], ku hadlana hadal wanaagsan oo gar ah.
[22]. Waa hadalka ku xambaari kara dadka kale inay falaan fal aan wanaagsaneyn ama damac gelin kara.
[23]. Qofka jecel xumaanta sida zinada iwm.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net