Al-Ahzaab 33:27
الأحزابوَأَوْرَثَكُمْ أَرْضَهُمْ وَدِيَـٰرَهُمْ وَأَمْوَٰلَهُمْ وَأَرْضًا لَّمْ تَطَـُٔوهَا ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرًا
27. Wuxuu idin dhaxalsiiyey dhulkooda iyo guryahooda iyo maalkooda [20] iyo dhul aydaan (hadda ka hor) cag dhigin [21]. Alle wax walba wuu Karaa.
[20]. Kaddib markay kala tageen kooxihii isa soo baheystey, wuxuu Alle amray Nabigiisa inay duullaan ku qaadaan banii Quraydah, qabiil Yahuud ah oo wax ka degganaa Madiinah oo kaga baxay Muslimiinta axdigii ay wada galeen, oo gacan siiyey cadowgooda, markaasay hareereeyeen, markaasaa la laayey wixii dagaal geli karay, oo la soo qafaashay haweenka iyo carruurtoodii.
[21]. Arladaasoo ay galeen ciidanka Muslimiinta, oo ay ku furteen duullaamo xigay duullaankaa.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net