Al-Ahzaab 33:22
الأحزابوَلَمَّا رَءَا ٱلْمُؤْمِنُونَ ٱلْأَحْزَابَ قَالُوا۟ هَـٰذَا مَا وَعَدَنَا ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥ وَصَدَقَ ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥ ۚ وَمَا زَادَهُمْ إِلَّآ إِيمَـٰنًا وَتَسْلِيمًا
22. Markay Mu’minintu arkeen xizbiyadii (gaaladii isu soo baheystay) waxay yidhaahdeen: Kani waa waxay Alle iyo Rasuulkiisu noo yabooheen [18], Alle iyo Rasuulkiisuna run bay sheegeen, umana kordhin waxaan ahayen iimaan iyo hoggaansan.
[18]. Alle wuxuu u ballan qaaday Rasuulkiisa iyo mu’miniinta guul kaddib dhibka iyo shiddada. Waxaana la amray inay sugaan waxa uu Alle u yaboohay.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net