U bood nuxurka
Suuradda 31 · Aayadda 6

Luqman 31:6

لقمان

وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَشْتَرِى لَهْوَ ٱلْحَدِيثِ لِيُضِلَّ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَيَتَّخِذَهَا هُزُوًا ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ مُّهِينٌ

Macne

6. Waxaa ka mid ah dadka mid gadan hadal uu isku maaweeliyo [3] si uu uga lumiyo (naftiisa iyo dadkaba) Jidka Alle (Islaamka) cilmi la'aan, oo ku jees-jeesa (diinta). Kuwaa waxay leeyihiin Cadaab Silcisa.

[3]. Hadalka maaweelada ah waxay culimadu qaar ku fasireen shirkiga, qaarna wararka dadka lagu lumiyo, heesaha anshax darrada ah, ama Miyuusigga ruxa dadka ee keena is walaaqa, waxaase dhab ahaan soo galaya hadalka maaweelada ah wax kasta oo dadka ka shuqliya Qur’aanka iyo Sunnada Rasuulka.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Luqman

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net