U bood nuxurka
Suuradda 31 · Aayadda 34

Luqman 31:34

لقمان

إِنَّ ٱللَّهَ عِندَهُۥ عِلْمُ ٱلسَّاعَةِ وَيُنَزِّلُ ٱلْغَيْثَ وَيَعْلَمُ مَا فِى ٱلْأَرْحَامِ ۖ وَمَا تَدْرِى نَفْسٌ مَّاذَا تَكْسِبُ غَدًا ۖ وَمَا تَدْرِى نَفْسٌۢ بِأَىِّ أَرْضٍ تَمُوتُ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌۢ

Macne

34. Hubaal Alle Keliya baa Og waqtiga Saacadda (Qiyaame dhaceyso), oo soo dejiya roobka, Wuxuu Og yahay waxa ku jira ilma galeennada [9]. Nafina ma oga waxay mudan berri [10], nafina ma oga dhulkee bay ku dhiman. Hubaal, Alle waa wax kasta Oge, Xog Ogaal ah 'Xeel Dheer' [11].

[9]. Wuxuu Ogsoon yahay waxa kasta oo ku saabsan ilmahaa yar hadday tahay markaasi iyo aayaha dambe waxa uu noqon.
[10]. Dadku ma hubaan waxay fali doonaan berritoole ama ay kasban doonaan, iyadoo sidaas tahay waa inay dadaalaan oo doontaan waxa anfacaya if iyo Aakhiro.
[11]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Shan Alle Keliya uun baa ogsoon: waqtiga Saacadda Qiyaame, Roobka kolkuu iman, waxa uurka ku jira, nafi waxay mudan waqtiga soo socda iyo nafi meel ay ku dhiman.”

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Luqman

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net