Luqman 31:32
لقمانوَإِذَا غَشِيَهُم مَّوْجٌ كَٱلظُّلَلِ دَعَوُا۟ ٱللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ فَلَمَّا نَجَّىٰهُمْ إِلَى ٱلْبَرِّ فَمِنْهُم مُّقْتَصِدٌ ۚ وَمَا يَجْحَدُ بِـَٔايَـٰتِنَآ إِلَّا كُلُّ خَتَّارٍ كَفُورٍ
32. Markuu hir buuro la moodo uu daboolo (dadka), waxay baryaan Alle Keligii oo u gaar yeelaan cibaadada. Markase uu nabad ku keeno barriga, waxaa ka mid ah mid dhexdhexeysan [8]. Ma diidona Aayadahayaga waxaan aheyn axdi laawe kastoo khaa’in ah, abaal dhac badan.
[8]. Muqtasid waxaa loola jeeedaa qofka aan ugu mahdin Alle oo u badhax tirin cibaadada si dhan oo kaamil ah ee istaagaa meel u dhexeysa Iimaan iyo gaalnimo.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net