U bood nuxurka
Suuradda 3 · Aayadda 97

Aal-i-Imraan 3:97

آل عمران

فِيهِ ءَايَـٰتٌۢ بَيِّنَـٰتٌ مَّقَامُ إِبْرَٰهِيمَ ۖ وَمَن دَخَلَهُۥ كَانَ ءَامِنًا ۗ وَلِلَّهِ عَلَى ٱلنَّاسِ حِجُّ ٱلْبَيْتِ مَنِ ٱسْتَطَاعَ إِلَيْهِ سَبِيلًا ۚ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَنِىٌّ عَنِ ٱلْعَـٰلَمِينَ

Macne

97. Waxaa ku dhex yaal (Kacbada) calaamooyin cad, (sida) Maqaamkii Ibraahiim; qofkii soo gala wuxuu ahaan aamin. U xajinta beytkana (Kacbada) waa xil saaran dadka dar Alle, qof kasta oo kara inuu u socdaalo xaggiisa [18]. Qofkii beeniya (faral ahaanta Xajka), hubaal Alle wuu ka kaaftoon yahay uumanka.

[18]. Qofkii awooda ee haysta sahay iyo gaadiid uu ku tago Xajka, ee isagu caafimaad qaba oo safarku aamin yahay ugana soo tagay masaariif ku filan reerkiisa.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Aal-i-Imraan

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net