Aal-i-Imraan 3:81
آل عمرانوَإِذْ أَخَذَ ٱللَّهُ مِيثَـٰقَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ لَمَآ ءَاتَيْتُكُم مِّن كِتَـٰبٍ وَحِكْمَةٍ ثُمَّ جَآءَكُمْ رَسُولٌ مُّصَدِّقٌ لِّمَا مَعَكُمْ لَتُؤْمِنُنَّ بِهِۦ وَلَتَنصُرُنَّهُۥ ۚ قَالَ ءَأَقْرَرْتُمْ وَأَخَذْتُمْ عَلَىٰ ذَٰلِكُمْ إِصْرِى ۖ قَالُوٓا۟ أَقْرَرْنَا ۚ قَالَ فَٱشْهَدُوا۟ وَأَنَا۠ مَعَكُم مِّنَ ٱلشَّـٰهِدِينَ
81. (Xus) markuu Alle ka qaaday Nabiyada ballan adag [14]: waxaan idin siiyoba ee Kitaab iyo Xikmad ah, markaas idiin yimaado Rasuul xaqiijin waxaad haysataan, waa inaad rumeysaan oo u gargaartaan; Wuxuu yidhi: Ma qireysaan oo ma qaadeysaan wacadkay (arrinkan)? Waxay yidhaahdeen: Waanu qirnay. Wuxuu yidhi: Markhaati ka ahaada; Aniguna (sidoo kale) waxaan ahay la jirkiin mid ka mid ah markhaatiyada.
[14]. Anbiyadu waxay ballan kula galeen Alle in hadduu yimaado Rasuul magaciisu yahay Muxammad ay rumeyn oo u gargaari, ballantoodaasina waxay sidoo kale saaran tahay ummadahooda.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net