U bood nuxurka
Suuradda 3 · Aayadda 72

Aal-i-Imraan 3:72

آل عمران

وَقَالَت طَّآئِفَةٌ مِّنْ أَهْلِ ٱلْكِتَـٰبِ ءَامِنُوا۟ بِٱلَّذِىٓ أُنزِلَ عَلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَجْهَ ٱلنَّهَارِ وَٱكْفُرُوٓا۟ ءَاخِرَهُۥ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ

Macne

72. Koox ka mid ah ehlul- Kitaabka (Yuhuudda) waxay yidhaahdeen: Rumeeya waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah kuwa rumeeyey (Muslimiinta) gelinka hore ee maalinta, kuna gaalooba aakhirkeeda, bal inay ka soo noqdaan 'diintooda' [11].

[11]. Xagga kuwa idin la diinta ah (Yuhuudda iyo Nasaarada) si ayan u gelin diinta islaamka, xagga muslmiintana horay idinla diinta ahaa si uu u daciifo iimaankooda oo ugu soo laabtaan gaalnimada.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Aal-i-Imraan

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net