Aal-i-Imraan 3:36
آل عمرانفَلَمَّا وَضَعَتْهَا قَالَتْ رَبِّ إِنِّى وَضَعْتُهَآ أُنثَىٰ وَٱللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا وَضَعَتْ وَلَيْسَ ٱلذَّكَرُ كَٱلْأُنثَىٰ ۖ وَإِنِّى سَمَّيْتُهَا مَرْيَمَ وَإِنِّىٓ أُعِيذُهَا بِكَ وَذُرِّيَّتَهَا مِنَ ٱلشَّيْطَـٰنِ ٱلرَّجِيمِ
36. Markiise ay dhashay waxay tidhi: Rabbiyow! Waxaan dhalay ilmo dheddig ah, Alle wuu ka ogaa (cid kale oo dhan) waxay dhashay – labkuna ma aha la mid dheddiga, waxaana u bixiyey Maryam [9], waxaana kaa magan gelinayaa iyada iyo durriyaddeedaba Shaydaanka la fogeeyay.
[9]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa u khayr badan haweenka caalamka afar: Maryama binti Cimraan, Aasiya marwadii Fircoon, Khadiija binti Khuwaylid, iyo Faadimah binti Rasuulilaah.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net