U bood nuxurka
Suuradda 3 · Aayadda 28

Aal-i-Imraan 3:28

آل عمران

لَّا يَتَّخِذِ ٱلْمُؤْمِنُونَ ٱلْكَـٰفِرِينَ أَوْلِيَآءَ مِن دُونِ ٱلْمُؤْمِنِينَ ۖ وَمَن يَفْعَلْ ذَٰلِكَ فَلَيْسَ مِنَ ٱللَّهِ فِى شَىْءٍ إِلَّآ أَن تَتَّقُوا۟ مِنْهُمْ تُقَىٰةً ۗ وَيُحَذِّرُكُمُ ٱللَّهُ نَفْسَهُۥ ۗ وَإِلَى ٱللَّهِ ٱلْمَصِيرُ

Macne

28. Yeysan mu’miniintu ka dhigan gaalada sokeeye halkii mu’miniinta, qofkii sidaa fala, kama heli doono wax (gargaar ah) xagga Alle, inaad sidaa isaga ilaalineysaan mooyaane dhib xaggooda idiinka yimaada [7]. Alle wuxuu idiinka digi Naftiisa [8], xagga Alle baana lagu dambeyn.

[7]. Hadduu mu’minku ka baqo dhibaato ka soo gaarta cadow, waxaa u bannaan inuu iska yeelo inuu ku waafaqsan yahay cadowga waxay ku qasbayaan maadaama qalbigiisa iyo niyaddiisa ku lahayn wax saameyn ah, iimaankana ku xasilan yahay.
[8]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ma jiro axad ka qiiro badan Alle, sidaas daraadeed buu u xaaraanshay zinada, mana jiro axad ka jecel Alle in la ammaano oo loo xamdi iyo mahad naqo”.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Aal-i-Imraan

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net