Aal-i-Imraan 3:200
آل عمرانيَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱصْبِرُوا۟ وَصَابِرُوا۟ وَرَابِطُوا۟ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ
200. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Samir yeesha oo ku sarreeya samir yeelashada, oo heegan ahaada sugan [41], Allena ka cabsada aad liibaantaane.
[41]. Idinkoo ku sugan rugahiinna oo ka ilaalinaya cadowga dhulka Islaamka, ama ku sugan masaajidda idinkoo sugaya salaadaha. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Naari ma taabato labo indhood, il u oyday cabsi Alle iyo il u soo jeedday ilaalinta xuduudaha Muslimka.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net