Aal-i-Imraan 3:20
آل عمرانفَإِنْ حَآجُّوكَ فَقُلْ أَسْلَمْتُ وَجْهِىَ لِلَّهِ وَمَنِ ٱتَّبَعَنِ ۗ وَقُل لِّلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ وَٱلْأُمِّيِّـۧنَ ءَأَسْلَمْتُمْ ۚ فَإِنْ أَسْلَمُوا۟ فَقَدِ ٱهْتَدَوا۟ ۖ وَّإِن تَوَلَّوْا۟ فَإِنَّمَا عَلَيْكَ ٱلْبَلَـٰغُ ۗ وَٱللَّهُ بَصِيرٌۢ بِٱلْعِبَادِ
20. Hadday kula doodaan dheh: Waxaan anigu isugu dhiibay si dhan oo u hoggaansanahay Alle, waana sidaas qofkii I raaca. Ku dheh kuwa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo kuwa ah mushrikiinta:Miyaad hoggaansameysaan? [4]. Hadday hoggaansamaan, markaa waa hanuunsan yihiin; haddayse (ka) jeesadaan (Iimaanka), waxaa uun ku saaran Gaarsiin cad (ee Xaqa) lagula soo diray. Alle wuu arkaa addoomahiisa.
[4]. Marba hadday hoggaansamaan dadka ehlu kitaabka waxaa loo dhowraa xuquuqdooda iyo sharaftooda inkastoo ay jirto diiddadooda Xaqa, waase inay bixiyaan jizyo halkii sakada iyo difaaca laga rabo muslimiinta. Kaddib waxaa mas’uul ka ah ilaalintooda dawladda Islaamka.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net