Aal-i-Imraan 3:180
آل عمرانوَلَا يَحْسَبَنَّ ٱلَّذِينَ يَبْخَلُونَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضْلِهِۦ هُوَ خَيْرًا لَّهُم ۖ بَلْ هُوَ شَرٌّ لَّهُمْ ۖ سَيُطَوَّقُونَ مَا بَخِلُوا۟ بِهِۦ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۗ وَلِلَّهِ مِيرَٰثُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ
180. Yey moodin kuwa ku bakhayla bixinta wuxuu Alle siiyey oo Deeqdiisa ah inay khayr u tahay. mayee waa u shar; Waxaa luqunta loo suri waxay ku bakhayleen oo mareegyo (naar) ah Maalinta Qiyaamaha [39]. Alle baana iska leh dhaxalka samooyinka iyo arlada; Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
[39]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Addoonkaan bixin sakada, maalkiisa waxaa laga dhigi Qiyaamaha mas bara leh oo raacaya, markaasuu ka carari oo raacayaa isagoo leh: Waxaan ahay kaydkaagii, markaasuu Aayaddan akhriyey. W.w. Axmad.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net