Aal-i-Imraan 3:161
آل عمرانوَمَا كَانَ لِنَبِىٍّ أَن يَغُلَّ ۚ وَمَن يَغْلُلْ يَأْتِ بِمَا غَلَّ يَوْمَ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۚ ثُمَّ تُوَفَّىٰ كُلُّ نَفْسٍ مَّا كَسَبَتْ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ
161. Kama suurowda Nabi inuu wax khiyaano (oo booli qaato), qofkiina wax khiyaana (ama booli qaata ha ahaato mid qof leeyahay ama mid qaran) wuxuu keeni waxa uu khiyaanada ku qaatay Maalinta Qiyaamaha [36]. Waxaana naf walba loogu oofin si dhan waxay kasbatay iyagoon la dulmineyn.
[36]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Yaan garan midkiin oo imaan Qiyaamada isagoo xambaarsan riti ciyi (xoolo ama maal booli ah) markaasuu odhan: Muxammadow, Muxammadow, waxaan ku odhan: Waxba kuuma qaban karo waa ku soo gaarsiiyey inaad iska ilaaliso maal xaq darro iyo xoolo booli ah.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net