Aal-i-Imraan 3:153
آل عمرانإِذْ تُصْعِدُونَ وَلَا تَلْوُۥنَ عَلَىٰٓ أَحَدٍ وَٱلرَّسُولُ يَدْعُوكُمْ فِىٓ أُخْرَىٰكُمْ فَأَثَـٰبَكُمْ غَمًّۢا بِغَمٍّ لِّكَيْلَا تَحْزَنُوا۟ عَلَىٰ مَا فَاتَكُمْ وَلَا مَآ أَصَـٰبَكُمْ ۗ وَٱللَّهُ خَبِيرٌۢ بِمَا تَعْمَلُونَ
153. Markaad cararteen idinkoo xiimaya aan cidna jalleeceyn, Rasuulkuna uu idiinka dhawaaqayey gadaashiinna [30], markaasuu Wuxuu idinku abaal mariyey hammi kale halkii hammigiinna [31], si aydaan uga murugoon waxa idin dhaafay, iyo waxa idinku dhacay midna. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
[30]. Muslimiinta kuma ayan guuleysan inay ka adkaadaan.
[31]. Waxay muslimiintii ka xumaadeen inayan adeecin amarka Rasuulka s.c.w. taasoo ahayd sababta jabkooda. Marka hammiga hore wuxuu ahaa jabka loo geystey, hammiga kalena markii la yidhi waa la dilay Rasuulka Alle, taasoo uga darneyd jabkii soo gaaray.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net