Aal-i-Imraan 3:142
آل عمرانأَمْ حَسِبْتُمْ أَن تَدْخُلُوا۟ ٱلْجَنَّةَ وَلَمَّا يَعْلَمِ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ جَـٰهَدُوا۟ مِنكُمْ وَيَعْلَمَ ٱلصَّـٰبِرِينَ
142. Mise waxaad mooddaan inaad gali jannada isagoon Alle muujin kuwiinna jihaada [26] oo idinka mid ah, oo (sidoo kale) muujin samrayaasha?
[26]. Jihaadku wuxuu leeyahay macnooyin badan b. Jihaadka waa dadaal lala yimaado oo kor loogu qaadayo islaamka ee lagu difaacayo muslimiinta t.La jihaadka nafta j. Ku bixinta maalka danaha islaamka iyo muslimiinta x. Jihaadka tiridda fasahaadka iyo oogidda xaqa. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ha jeclaannina la kulanka cadowga, ee weydiista Alle caafimaad, markaadse dagaal kula kulantaan cadowgiinna adkeysta oo ogaada in Jannadu tahay hooska seefaha.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net