U bood nuxurka
Suuradda 3 · Aayadda 135

Aal-i-Imraan 3:135

آل عمران

وَٱلَّذِينَ إِذَا فَعَلُوا۟ فَـٰحِشَةً أَوْ ظَلَمُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ ذَكَرُوا۟ ٱللَّهَ فَٱسْتَغْفَرُوا۟ لِذُنُوبِهِمْ وَمَن يَغْفِرُ ٱلذُّنُوبَ إِلَّا ٱللَّهُ وَلَمْ يُصِرُّوا۟ عَلَىٰ مَا فَعَلُوا۟ وَهُمْ يَعْلَمُونَ

Macne

135. Kuwa markay falaan xumaan ama dulmiyaan nafahooda [25], xusuusta Alle, weydiistana in laga dhaafo denbiyadooda; yaa dhaafa denbiyada aan Alle aheyn, oo aan kas iyo ogaal ugu adkeysan waxay faleen (oo denbi ah).

[25]. Waxaa loola jeedaa faaxishada denbiga weyn ee ciribta xun, cirib xumadiisana ku koobneyn falaha oo keliya bal saameysa dadka kale, sida zinada, xatooyada, ribada, waxaa se loola jeedaa dulminta nafta inaad fasho dunuub gef ah uu qofku ka galo naf ahaantiisa ha ahaado denbi yar ama mid weyn sida cabbitaanka khamriga, iwm.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Aal-i-Imraan

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net