Aal-i-Imraan 3:1
آل عمرانالٓمٓ
1. Alif – Laam - Miim [1].
[1]. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
Aal Cimraan waa Suuradda seddexaad ee Musxafka, macnaha Aal Cimraan waa reer Cimraan. Cimraan waa qoyska Cimraan oo ah Maryam aabbaheed, Nabi Ciise hooyadi, nabadgalyo korkiisa ha ahaatee.
Waxaa jiray nin kale oo la odhan jiray Cimraan oo reer binu Israa'iil ka mid ahaa, oo ahaa Muuse iyo Haaruun C.S. aabbahood, laakiin qoyska Cimraan ee lagu xusay suuradda Al Cimraan waa qoyska Cimraan, Maryam aabbaheed iyo Ciise awoowgi.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net