Al-Qasas 28:58
القصصوَكَمْ أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍۭ بَطِرَتْ مَعِيشَتَهَا ۖ فَتِلْكَ مَسَـٰكِنُهُمْ لَمْ تُسْكَن مِّنۢ بَعْدِهِمْ إِلَّا قَلِيلًا ۖ وَكُنَّا نَحْنُ ٱلْوَٰرِثِينَ
58. Badanaa intaan magaalo halaagnay, ku kibirtay nolosheeda (caasiday Alle iyo Rusushiisa). Marka waa kuwan guryahoodii aan la degin iyaga kadambow in yar ma ahee [22] waana Annaga dhaxlayaasha (u hadha).
[22]. Musaafiriinta doonaya meel ay degaan in yar oo markaa ka tagaan. Waxaana halkan loogu tilmaamayaa burburkii magaalooyinkaa ay arki jireen Quraysh markay halkaa socdaal ku marayaan.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net