U bood nuxurka
Suuradda 27 · Aayadda 44

An-Naml 27:44

النمل

قِيلَ لَهَا ٱدْخُلِى ٱلصَّرْحَ ۖ فَلَمَّا رَأَتْهُ حَسِبَتْهُ لُجَّةً وَكَشَفَتْ عَن سَاقَيْهَا ۚ قَالَ إِنَّهُۥ صَرْحٌ مُّمَرَّدٌ مِّن قَوَارِيرَ ۗ قَالَتْ رَبِّ إِنِّى ظَلَمْتُ نَفْسِى وَأَسْلَمْتُ مَعَ سُلَيْمَـٰنَ لِلَّهِ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ

Macne

44. Waxaa lagu yidhi: Gal Daarta [13], markay aragtay, waxay moodday biyo dhig badan, markaasay xaydatay oo labadeedii kub muuqdeen; Sulaymaan wuxuu yidhi: Waa sar salaax sugan oo quraarad ah. Waxay tidhi “Rabbiyow! Anigu waxaan dulmiyey naftayda, haddase islaamay oo waxaan si dhan isugu dhiibay la jirka Sulaymaan Alle, Rabbiga uumanka.

[13]. Daartaa waxay ahayd mid loo malaasay si qurux badan, aad u salaaxan, marmarkeedu ka sameysan yahay muraayado layska arko, hoostiisana waxaa sii ahaa biyo badan oo socda, iyo kalluun, iwm.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

An-Naml

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net