U bood nuxurka
Suuradda 24 · Aayadda 55

An-Noor 24:55

النور

وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنكُمْ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ لَيَسْتَخْلِفَنَّهُمْ فِى ٱلْأَرْضِ كَمَا ٱسْتَخْلَفَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ وَلَيُمَكِّنَنَّ لَهُمْ دِينَهُمُ ٱلَّذِى ٱرْتَضَىٰ لَهُمْ وَلَيُبَدِّلَنَّهُم مِّنۢ بَعْدِ خَوْفِهِمْ أَمْنًا ۚ يَعْبُدُونَنِى لَا يُشْرِكُونَ بِى شَيْـًٔا ۚ وَمَن كَفَرَ بَعْدَ ذَٰلِكَ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْفَـٰسِقُونَ

Macne

55. Alle wuxuu u ballan qaaday kuwiinna idinka mid ah ee (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala inay u hadhi dhulka oy xukumi, siduu uga yeelayba inay u hadhaan oo xukumaan kuwii ka horreeyay, iyo inuu u makanin diintooda uu uga raalli yahay. Wuxuu ugu beddeli cabsidoodii kaddib nabadgelyo; waase inay i caabudaan (Anigoo Keliya) iyagoon ila wadaajinayn (cibaadada) waxba. Ciddii gaalowda intaas kaddibna [31], kuwaa weeye kuwa ah caasiyaasha.

[31]. Waa dafira nicmadda Alle ama aan ku noolaan si waafaqsan xukunkiisa iyo xeerarkiisa.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

An-Noor

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net