U bood nuxurka
Suuradda 24 · Aayadda 39

An-Noor 24:39

النور

وَٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَعْمَـٰلُهُمْ كَسَرَابٍۭ بِقِيعَةٍ يَحْسَبُهُ ٱلظَّمْـَٔانُ مَآءً حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءَهُۥ لَمْ يَجِدْهُ شَيْـًٔا وَوَجَدَ ٱللَّهَ عِندَهُۥ فَوَفَّىٰهُ حِسَابَهُۥ ۗ وَٱللَّهُ سَرِيعُ ٱلْحِسَابِ

Macne

39. Kuwase gaaloobay acmaashoodu waa sida dhalanteed ka muuqda bannaan dhul siman, oo uu kan oommani moodo biyo, jeer markuu yimaado waxba aanu ka helin [29], oo uu halkaas ka helo Alle oo abaal marsha una oofiyo si dhan xisaabtiisa, Alle wuu ku Dhaqsi Badan yahay xisaab qaadista.

[29]. Waayo gaaladu acmaashooda kuma dhisna towxiid iyo ku iimaan qab Alle Keliya iyagoo aan la wadaajin cibaadada cidna.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

An-Noor

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net