U bood nuxurka
Suuradda 24 · Aayadda 3

An-Noor 24:3

النور

ٱلزَّانِى لَا يَنكِحُ إِلَّا زَانِيَةً أَوْ مُشْرِكَةً وَٱلزَّانِيَةُ لَا يَنكِحُهَآ إِلَّا زَانٍ أَوْ مُشْرِكٌ ۚ وَحُرِّمَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱلْمُؤْمِنِينَ

Macne

3. Zaanigu (dhillaygu) ma uu la galmo galo waxaan aheyn Zaaniyad (dhillo) ama Mushrikad (gaalad), Zaaniyaddana (dhillada) ma ay la galmo galaan waxaan aheyn zaani (dhillay) ama Mushrik (gaal), waana ka xaaraan mu’miniinta 'guursiga kuwaasi iyaga ah' [4].

[4]. Dadkaa oo kale (dhillada ama dhillayga) looma guurin karo mu’miniinta in maahee ay tawbad keeneen oo toosnaadeen oo laga arko isbeddel wanaagsan iyo hanuun. Waxaa sidoo kale lagu fasiray ninka zaaniga ah (dhillayga) ma guursado waxaan ahayn zaaniyad (dhillo) la mid ah ama gaalad, haweenta zaaniyadda ahina (dhillada) waxaa guursada uun zaani (dhillay) la mid ah ama gaal, waana laga xaaraanshay mu’miniinta guursiga kuwaasi iyaga ah.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

An-Noor

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net