U bood nuxurka
Suuradda 22 · Aayadda 78

Al-Hajj 22:78

الحج

وَجَـٰهِدُوا۟ فِى ٱللَّهِ حَقَّ جِهَادِهِۦ ۚ هُوَ ٱجْتَبَىٰكُمْ وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِى ٱلدِّينِ مِنْ حَرَجٍ ۚ مِّلَّةَ أَبِيكُمْ إِبْرَٰهِيمَ ۚ هُوَ سَمَّىٰكُمُ ٱلْمُسْلِمِينَ مِن قَبْلُ وَفِى هَـٰذَا لِيَكُونَ ٱلرَّسُولُ شَهِيدًا عَلَيْكُمْ وَتَكُونُوا۟ شُهَدَآءَ عَلَى ٱلنَّاسِ ۚ فَأَقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُوا۟ ٱلزَّكَوٰةَ وَٱعْتَصِمُوا۟ بِٱللَّهِ هُوَ مَوْلَىٰكُمْ ۖ فَنِعْمَ ٱلْمَوْلَىٰ وَنِعْمَ ٱلنَّصِيرُ

Macne

78. Kun dadaala Arrinka Alle (xoojinta diinta Islaamka) dadaal dhab ah (idinkoo u huraya maalkiinna iyo nafahiinna). Isagaa (Alle) idin doortay, mana yeelin dushiinna xagga diinta waxaad ku dhib mudataan, waa diintii Aabbihiin Ibraahiim. Isaga (Alle) baa idiin bixiyey kol hor Muslimiin iyo Qur’aankan (dhexdiisaba) si uu Rasuulku idiinku ahaado markhaati, idinkuna aad markhaati kaga ahaataan dadka. Ee ooga salaadda oo bixiya zakada oo qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa) oo isku dhowra. Waa Alle Mudanahiin, Isagaa u fiican Mudane ahaan, Isagaana u Fiican Gargaare ahaan.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Hajj

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net