U bood nuxurka
Suuradda 22 · Aayadda 36

Al-Hajj 22:36

الحج

وَٱلْبُدْنَ جَعَلْنَـٰهَا لَكُم مِّن شَعَـٰٓئِرِ ٱللَّهِ لَكُمْ فِيهَا خَيْرٌ ۖ فَٱذْكُرُوا۟ ٱسْمَ ٱللَّهِ عَلَيْهَا صَوَآفَّ ۖ فَإِذَا وَجَبَتْ جُنُوبُهَا فَكُلُوا۟ مِنْهَا وَأَطْعِمُوا۟ ٱلْقَانِعَ وَٱلْمُعْتَرَّ ۚ كَذَٰلِكَ سَخَّرْنَـٰهَا لَكُمْ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ

Macne

36. Ishkinka (xoolaha waaweyn ee loo loogo hadyi ahaanta - lo'da iyo geela) waxaan idiinka yeelnay wax ka mid ah calaamooyinka (diinta) Alle, waxaa idiinku sugan khayr badan, ee ku xusa Magaca Alle korkeeda iyadoo jilib xidhan [14], markay u dhacdo dhinacna (waa idiin xalaal), ee wax ka cuna, oo wax ka quudiya miskiinka dhowrsoon iyo weydiistaha. Sidaasaan idiinku sakhirnay si aad ugu mahdisaan (Alle).

[14]. Geela waxaa la bireeyaa iyagoo taagan.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Hajj

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net