Al-Hajj 22:33
الحجلَكُمْ فِيهَا مَنَـٰفِعُ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى ثُمَّ مَحِلُّهَآ إِلَى ٱلْبَيْتِ ٱلْعَتِيقِ
33. Waxaa idiinku sugan (xoolaha loo bixiyey sadaqada - hadyiga) manaafacaad tan iyo muddo magacaaban ah [11], markaas waxaa loo keenaa gowrac Baytka da’da weyn [12].
[11]. Waxaa loola jeedaa hadyiga, waa lagu intifaaci karaa ka hor inta aan la gowricin sida in la listo caanahooda, ama la fuulo, iwm ilaa maalinta gowraca.
[12]. Xuduudda Xaramka, waxaana soo galaya sidoo kale Mina.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net