Al-Anbiyaa 21:87
الأنبياءوَذَا ٱلنُّونِ إِذ ذَّهَبَ مُغَـٰضِبًا فَظَنَّ أَن لَّن نَّقْدِرَ عَلَيْهِ فَنَادَىٰ فِى ٱلظُّلُمَـٰتِ أَن لَّآ إِلَـٰهَ إِلَّآ أَنتَ سُبْحَـٰنَكَ إِنِّى كُنتُ مِنَ ٱلظَّـٰلِمِينَ
87. (Xus qisada) rafiiqii nibriga (Yuunus) markuu tegay isagoo (u) cadheysan 'dadkii loo diray' [28], wuxuuna mooday inaanan cidhiidhyeyn 'aanu qabanayn' [29]! Markaasuu ka dhawaaqay mugdiyo dhexdooda [30] 'isagoo leh': Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Adiga aheyn (Allow). Adigaa ka hufan (xumaan), anigu waan gefay.
[28]. Ka cadheysan gaalnimada iyo caasiyoobidda dadkiisa.
[29]. Macne kale waa aan ku cidhiidhyi doonin (caloosha nibriga).
[30]. Mugdiyadaas oo ah mugdiga habeenka, kan badda, iyo kan caloosha nibriga.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net