U bood nuxurka
Suuradda 21 · Aayadda 79

Al-Anbiyaa 21:79

الأنبياء

فَفَهَّمْنَـٰهَا سُلَيْمَـٰنَ ۚ وَكُلًّا ءَاتَيْنَا حُكْمًا وَعِلْمًا ۚ وَسَخَّرْنَا مَعَ دَاوُۥدَ ٱلْجِبَالَ يُسَبِّحْنَ وَٱلطَّيْرَ ۚ وَكُنَّا فَـٰعِلِينَ

Macne

79. Waxaanse fahansiinnay Sulaymaan, mid walbaana waxaan siinnay garsoor wanaagsan iyo cilmi, Waxaana u sakhirnay Daawuud buuraha iyo shimbiraha inay la tasbiixsadaan oo Alle amaanaan. Waana Annaga kuwa falay 'waxaasi oo idil' [26].

[26]. Macnaha waa inuu Alle mar waliba karo inuu fuliyo wuxuu doono. Nabi Sulaymaan wuxuu islaa arrinkaa u xukumay si ka duwan xukunkii Nabi Daawuud, wuxuu Sulaymaan guddoonshay in ninkii adhiga lahaa falo beertii adhigiisu halleeyey oo sideedii ku soo cesho, ninkii beerta lahaana uu ku sii intifaaco adhigiisa inta beertiisa looga hagaajinayo, kaddibna mid walbaa wixiisa qaato kii adhiga lahaa adhigiisa, kii beerta lahaana beertiisii oo loo hagaajiyey.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Anbiyaa

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net