Taa-Haa 20:72
طهقَالُوا۟ لَن نُّؤْثِرَكَ عَلَىٰ مَا جَآءَنَا مِنَ ٱلْبَيِّنَـٰتِ وَٱلَّذِى فَطَرَنَا ۖ فَٱقْضِ مَآ أَنتَ قَاضٍ ۖ إِنَّمَا تَقْضِى هَـٰذِهِ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَآ
72. Waxay yidhaahdeen: “Kaa dooran mayno waxa noo yimid oo Xujooyin cad ah iyo Kan (Allaah) ee na abuuray [11]. Ee go'aami waxaad rabto inaad go'aamiso, waxaad oo keliya wax ka go'aamin kartaa (wixii la xidhiidha) noloshan Adduunka.
[11]. Weedhan ‘ walladdii fadaranaa” waxaa sidoo kale lagu fasiray dhaar ahaan macnaha markaa waxaa weeye: Waxaan ku dhaarannay Kan na abuuraye.”
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net