U bood nuxurka
Suuradda 2 · Aayadda 61

Al-Baqara 2:61

البقرة

وَإِذْ قُلْتُمْ يَـٰمُوسَىٰ لَن نَّصْبِرَ عَلَىٰ طَعَامٍ وَٰحِدٍ فَٱدْعُ لَنَا رَبَّكَ يُخْرِجْ لَنَا مِمَّا تُنۢبِتُ ٱلْأَرْضُ مِنۢ بَقْلِهَا وَقِثَّآئِهَا وَفُومِهَا وَعَدَسِهَا وَبَصَلِهَا ۖ قَالَ أَتَسْتَبْدِلُونَ ٱلَّذِى هُوَ أَدْنَىٰ بِٱلَّذِى هُوَ خَيْرٌ ۚ ٱهْبِطُوا۟ مِصْرًا فَإِنَّ لَكُم مَّا سَأَلْتُمْ ۗ وَضُرِبَتْ عَلَيْهِمُ ٱلذِّلَّةُ وَٱلْمَسْكَنَةُ وَبَآءُو بِغَضَبٍ مِّنَ ٱللَّهِ ۗ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ كَانُوا۟ يَكْفُرُونَ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ وَيَقْتُلُونَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ بِغَيْرِ ٱلْحَقِّ ۗ ذَٰلِكَ بِمَا عَصَوا۟ وَّكَانُوا۟ يَعْتَدُونَ

Macne

61. (Xusuusta) markaad tidhaahdeen: Muusow! Kuma samri karno hal nooc oo cunto ah. Ee noo bari Rabbigaa ha noo soo saaro'e waxa dhulka ka soo baxa,oo leh bagalkiisa, qiyaarkiisa, sareenkiisa, toontiisa, digirtiisa iyo basashiisa. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad ku beddelaneysaan waxa khayr roon wax ka hooseeya? U daadega magaalo uun, waxaad ka heli waxaad dalabteen. Dulli iyo darxumo baana lagu daboolay, oo la laabteen Cadho xagga Alle (oo dushooda ah). Taasi waxaa ugu wacnaa waxay (marar badan) diideen Aayadaha Alle, oo ku dileen Nabiyo gar darro. Taasi waxaa ugu wacnaa inay caasiyoobeen oo xadgudbi jireen.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Baqara

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net